Sign in to follow this  
Deeq A.

Britain oo tababar u fidisay qaar kamid ah ciidanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Britain ayaa tababar u fidiyay cutubka 500-aad ee ciidamada lugta ee Soomaaliya kaddib markii xaflada qalin jebin ah saraakiishan loogu qabtay magaalada Baydhabo 31-dii bishii Disembar, sida ay sheegtay dowladda Britain.

“Ciidamada Britain ayaa tababar u fidiyay cutubka 500-aad ciidamada lugta ee Soomaaliya kuwaas oo siiyay xirfado ay kula dagaallamaan kooxaha hubeysan si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida dalka” sida ay sheegtay dowladda UK.

“Kooxdii ugu dambeysay ee ka tirsan cutubkan oo gaareyso 113 ciidan ayaa tababarkan dhameystay kaddib munaasabad lagu qabtay Baydhabo 31-dii bishii Disembar”

Ingiriiska wuxuu kharash ku bixinayay xarunta tababarka ciidamada ammaanka Soomaaliya oo sanadkii 2019-kii laga hirgeliyay magaalada Baydhabo, waxaana xaruntaas lagu tababarayay ciidamada dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this