Deeq A. Posted January 15, 2021 Magaalada Baydhabo waxaa xalay lagu qabtay casho sharaf loo sameeyay xulka kubadda cagta ee Koonfur Galbeed ee dhowaan ka qeybgalay tartankii Muqdisho lagu qabtay ee u dhexeeya ciyaartoyda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Lafgareen, ayaa ka qeybgalay cashada lagu maamusay xulka kubadda cagta. Cashada sido kale waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha barlamaanka ku xigeenadiisa wasiiro xildhibaano agaasimiyaal iyo marti sharaf lagu casuumay xafladda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites