Sign in to follow this  
Deeq A.

Museveni oo hoggaanka u haya codadka la tiriyay ee doorashada Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku horreeya codadka la tiriyay ee doorashada madaxtinnimo, sida ay muujinayaan natiijooyinka horudhaca ah ee uus saakay shaaciyay guddiga doorashada.

Mr Museveni ayaa helay 1,536,205 codad ah (65.02%), halka ninka ay is hayaan ee Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaanno Bobi Wine, uu heysto 647,146 codad ah (27.39%) kuwaasoo laga soo ururiyay ila 8,310 oo goobaha codbixinta ah.

Guddiga doorashooyinka Uganda ayaa goor sii horreysay xaqiijiyay in natiijada doorashada loo diri doono xarunta tirinta codadka iyadoo intenet-ka laga demiyay dalkaas.

Madaxa guddiga Simon Byabakama, ayaa sheegay inay adeegsanayaan hannaan gudaha ah oo lagu gudbinayo natiijada, balse ma uusan bixin wax faahfaahin ah.

“Ma isticmaaleyno internet-ka gudaha inaan ku gudbinno natiijada. Waxaan adeegsaneynaa hannaankeenna gaarka ah. Ha walwalina, natiijada waa la heli doonaa iyadoo uu intenet-ku xiran yahay.” Ayuu yiri.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this