Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo la wareegtay degaano ka tirsan Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Degaanka Ceeldheere oo 30KM ujira Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dagaal Kooban oo Ka dhacay halkaas ay kula wareegeen Al-shabaab.

Ciidamada Booliska oo ku sugnaa Bar koontorol iyo Saldhiga Ceeldheer ayaa dagaal kooban la galay balse Al shabaab ayaa lawareegay Deegaanka waxaana Wararku ay intaa kudarayan in laba Askari ay dhinteen laba kalana ay dhawacmeen

Dhinackale Degaanka Tuulo Xoosh oo Ku yaal duleedka Degaanka Wisil ayaa lasoco sheegaya in Malayshiyada Al shabaab ay lawaregen Kadib dagaal dhaxmaray dhaliyarada Degaanka Iyo Al shabaab mana jiro wax khasaare ah oo la soo weriyay.

Al-shabaab waxay muddooyinkii u dambeeyay weeraro kala duwan ku qaaday degaanno ka tirsan Galmudug gaar ahaanna Gobolada Mudug iyo Galgaduud kuwaas oo ay meelo kaga sugan yihiin.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo la wareegtay degaano ka tirsan Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this