Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug mudane Xasan Axmed Shire oo safar shaqo ku joogay magaalada Muqdisho tan iyo bishii December 2020 ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado ee Maamulka Galmudug,waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb galay bahda ciyaaraha Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

138958960_2456132164681724_2570564461109

Soo dhawayn balaaran ayey u sameeyeen bahda isboortiga degmada, Hogaanka dhalinyarada Galmudug iyo qaybaha bulshada,waxaana looga mahad celiyey is badalkii uu ku sameeyey Xiriirka Kubbadda cagta Galmudug,waxaan guddoomiye Xasan Axmed looga mahadceliyay wax qabadka wanaagsan ay kooxda Galmudug ku soo bandhigtay garoomada caasimada Muqdisho,maadama xidigaha Galmudug ay kaalinta labaad ka galeen tartanka kubbadda cagta Maamul Goleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020

138970356_1323580924641573_2867195306748

“Waan u mahadcelinaynaa Maamulka isboortiga degmada Cadaado,dhalinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan,runtii ma qiyaasi karo dareenkayga,waxaan idin lee yahay guulaysta howsha iminka ayay inoo bilaaw tahay” ayuu saxaafadda u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda cagta Galmudug mudane Xasan Axmed Shire

138456368_2456132284681712_6729738994156

“Guddoomiye ku soo dhawaaw degmadaada Cadaado,waxaan adiga iyo Wasaaradda Ciyaaraha Galmudug idinkaga mahadcelinaynaa is badalka muuqda aad ku samayseen kooxda kubbadda cagta Galmudug,anagoo oo dhan waxaan diyaar u nahay horomarinta isboortiga Galmudug” ayuu warbaahinta u sheegay Fahad Maxamuud Cabdi oo ah guddoomiyaha ciyaaraha Magaalada Cadaado.

139429968_2456132201348387_4763808204279

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Guddoomiye Shire

Guddoomiye Xasan Axmed Shire “Mudane Madaxweyne Waad Ku Mahadsantahay Kaalintii Aad Ka Qaadatay Dhiirigelinta Kooxda Kubbadda Cagta Galmudug”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this