Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo muwaadiniintiisa uga digay Somaila & dal kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ay muwaadiniinteeda iyo dadka kale eek u nool dalkaasi waxaa ay uga digtay inay u safraan 12 dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa soo bandhigtay magacyada dalalka Muwaadiniinta Sacuudiyaanka ah looga digay inay u safraan, sida  lagu daabacay Gulfbussines, waxaana dalalkaas ay kala yihiin Siiriya, Libya, Soomaaliya, Lubnan, Yemen, Afghanistan, Iiran, Turkiga, Armenia, Congo, Belaruz iyo Venesuala.

Sacuudiga ma shaacin sababta ka dambeeysa Go’aankan, hayeeshee waxaa loo badinayaa inay la xiriirta nooca Cusub ee Cudurka Coronavirus oo wadamada badan ka dilaacay.

Sidoo kale Sacuudiga ayaa ugu baaqay Muwaadiniintooda ku sugan Gudaha 12-ka dal inay la soo wadaagaan xogtooda Caafimaad Safaaradda ay Sacuudiga ku leedahay dalalkaas si loola socdo xaaladooda.

Muwaadiniinta Sacuudiga iyo dadka kale ee ku sugan Gudaha dalkaas ayaa sidoo kale waxaa la amray inay dowladda la socod-siiyaan hadii ay doonayaan inay dalalkaas u safraan maadaama si KMG ah loo joojiyay in la aado wadamadaasi.

Dowladda Sacuudiga ayaa saaxiibo badan ku leh dalalka Reer Galbeedka oo uu aad u saameeyay COVID-19, balse dalalkaasi kuma jiraan kuwa go’aanada laga soo saaray.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this