Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Gedo ee garabka DF oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo haatan si dhow ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya ayaa xilka qaadis ku sameeyy maamulka gobolka Gedo ee garabka dowladda, kadib wareegto uu soo saaray maanta oo ay tahay 14-ka bishaan January.

Wareegtadan ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Gedo Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macallimuu), iyada oo xilkaasi loo magacaabay guddoomiye cusub oo lagu magacaabo, Axmed Buulle Gareed.

Macallimuu oo xilkan hayey wixii ka dambeeyey, tan iyo markii ciidamada dowladda la geeyey gobolkaasi ayaa waxaa lagu eedeeyey xil gudasho la’aan waajibka loo igmaday.

Sidoo kale guddoomiyaha cusub ayaa la faray inuu si deg-deg ah ula wareego xilka loo magacaabay, iyada oo sidoo kale laamaha amniga la amray inay la shaqeeyaan.

Xilka qaadistan ayaa ku soo aadeya, iyada oo muddooyinkii u dambeeyey ay ka sii dareysay xiisada gobolka Gedo ee dowladda dhexe iyo Jubbaland, waxaana sidoo kale ay arrintaan saameyn ku yeelatay doorashooyinka guud ee dalka ka dhaceysa sanadkan.

wareegto.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this