Deeq A. Posted January 13, 2021 Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay howl-gallo ka sameeyeen ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug. Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lag sheegay in ciidamadu ay ku fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay gudaha magaaladaasi. Saraakiisha ammaanka Dhuusamareeb ayaa sheegay in qaraxa lagu aasay goob fariisin u ah ciidamada ammaanka, balse ay ku guuleysteen inay soo saaraan miinada oo aan qarxin. Sidoo kale saraakiisha Booliiska Galmudug ayaa tilmaamay in la doonayey in qaraxaas lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen. Galmudug ayaa muddooyinkii u dambeeyey xoojisay amniga Dhuusamareeb oo dhowaan ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites