Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maamulka Farmaajo oo Doorasho Ka Bilaabaya 8 Magaalo Xilli Deni iyo Madoobe Maqan yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka ah ayaa lagu wadaa iney guda gasho doorashada qaran ee dalka, gaar ahaan doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in doorashada laga bilaabi-doono Galmudug, Hirshabelle, Koonfur galbeed, Banaadir iyo meelo kale.

Sida qorshuhu yahay, waxaa ay doorashada ku qaban doonaan Galmudug(Dhuusamareeb iyo Galkacyo), Hirshabelle(Jowhar iyo Baladweyn), Koonfur Galbeed(Baydhabo iyo Baraawe), Banaadir iyo Gedo.

Arritan ah in doorashada la guda galo ayaa imaaneysa saddex maalin uun kadib markii madaxa fulinta ee xukuumadda Maxamed Rooble sheegay iney shadaqa socon-doonto.

Shir jaraaid uu 9-kii bishan qabtay ra’iisalwasaaraha ayaa lagu yiri” Xukuumadda federaalka waxaa ay go’aansatay in la gudagalo hirgelinta doorashooyinka si aan waqti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed, loogana fogaado wax weliba oo carqaladeyn kara fulinta heshiiskii dorashada lagu gaaray magaalada Muqdisho 17-kii Setembar 2020 .”

Goobjoog News       

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this