Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo Xarun Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Ka Samenaysa Dhahar

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ka hirgeliyey xarun lagu diiwaangeliyo dadka cod-bixiyaasha ah doorashada Somaliland.

Mas’uuliyiinta Somaliland u qaabbilsan degmadaas ayaa maalmihii tagay  ka waday wacyi-gelinta Bulshada ee ku aaddan sidii ay isaga diiwaan-gelin lahaayeen goobaha laga furay degmada.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta dhanka Puntland ee Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa ka digay tallaabada ay qaadday Somaliland ee ku aaddan diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka.

Somaliland iyo Puntland ayaa isku haya gacan ku haynta degmadaas oo mid waliba uu sheegto inay hoos tagto maamulkeeda, walow mararka qaar ay ka dhacaan shaqaaqo labada dhinac ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this