Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo xarun diiwan-gelin ka samaysay degmada Dhahar

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo ku sugan degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan, ayaa halkaas ka sameeyay xarun lagu diiwaan-geliyo Cod-bixiyaasha doorashooyinka Somaliland.

Mas’uuliyiinta oo ka soo jeeda magaalada Dhahar, waxay maalmihii u dambeeyay degmadaas ka wadeen wacyi-gelin ku saabsan diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha doorashooyinka Somaliland.

Waxaase jirtay in mas’uuliyiinta Puntland u qaabilsan degmada Dhahar, ay si adag uga digeen in magaalada laga sameeyo  barnaamijka diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland.

Sidoo kale, waxay ku hanjabeen in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda in ay barnaamijka diiwaan-gelinta ka samayso degmada Dhahar sida ay hadalka u dhigeen mas’uuliyiina Puntland.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo xarun diiwan-gelin ka samaysay degmada Dhahar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this