Deeq A. Posted January 11, 2021 Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa goordhow xabsiga dhigay wariye Maxamed Lucky oo ka tirsanaa radiyo dalka Daljir. Xariga wariyaha ayaa waxaa la sheegayaa iney ka dambeysay kadib markii maanta Radiayaha laga sii daayey Libiri kusoo caariyey xeebta Bosaaso. Radiyaha ayaa waxaa laga baahiyey in Libirigii soo caariyey ay qaliin ku sameeyeen ciidamada Badda Puntland oo ay taageerto Imaaraadka oo gacanta ku haayo Dekadda Boosaaso. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites