Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi: Nama qabato in xubnaha matala Somaliland Muqdisho lagu doorto

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa si toos ah uga hadlay muranka Doorashada Soomaaliya gaar ahaanna xildhibaannada laga soo doorto Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi, wuxu meel ka dhac ku tilmaamay in xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka ku matala Somaliland lagu doorto magaalada Muqdisho, isago tilmaamay in arrintaas ay ka midaysan yihiin mucaaradka iyo muxaafidka Soomaaliya.

markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin Baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quursanaysaan” ayuu yiri Muuse Biixi.

Waxa idinka sii liita dadka waaweyn ee Somaliland ee halkaas dani ka gashay ee u shaqo tegay waxay doonaanba ha noqdaane ee wax ku doonaya Xamar hallanaga doorto Baarlamaan baannu noqonaynaaye, arrintaasna waxan leeyahay ma geynee xumaan iyo nac uun baad sii abuuraysaan” ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST

The post Muuse Biixi: Nama qabato in xubnaha matala Somaliland Muqdisho lagu doorto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this