Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta .. Muxuu kusoo dhamaadey Kulankii Xalay dhexmaray Madasha Musharixiinta iyo Sadexda Madaxweyne Maamul Goboleed ee Farmaajo raacsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xalay Waxaa Hotel ku yaal Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku dhiray Masuuliyiinta ugu cadcad Midowga Musharixiinta iyo Dhinaca kale oo ahaa Qoorqoor, Laftagareen iyo Guudlaawe.

Kulankaas Waxaan ka helnay Xogtaan.. Kulanku markuu saacad socdey ayaa la isdhaafsadeen hadalo kulul iyadoo Musharixiintu ay eedeyn dusha uga tuureen Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor, Mid kamida Mudharixiinta ayaa Qoorqoor ku yiri Waad ku fashilantay Waanwaantii, Waxaan u haysanay inaad Go’aan gaari karto ama aad ku dhacdo inaadan la baqin hadalkaaga, Laakiin taas adaa noocadeeyay inaadan lahayn kartidaas, Mid kale oo Mudharixiinta kamida ayaa Qoorqoor si kulul u waydiiyay sababta ku kaliftay inuusan kusoo warcrlin ragii Jawaabta ka sugayay iyo hadalkii uu ka dheegay Dhirka Jaraa’id.

Xigta sida aan ku heyno Qoorqoor wuxuu isku difaacay inuu la xiriiray rag ka tirsan Mudharixiinta, Hadalkoodana uu ahaa mid uu fahmi waayay waxay doonayaan ama tabanayaan.

Kulanku wuxuu qaatay saacado badan wax kasoo baxay haba yaraatee am la isla meel dhigay ma jirin aan ka ahayn in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu yiri Anaga isku laabanayna ee naga warsuga, tasoo loo fahmey inuu dib wadatashi ugu noqonayaan Madaxweyne Farmaajo.

Musharixiinta dhankooda Wajiyadooda wanaag kama muuqan kolkay kasoo baxeen Hoolka lagu dhirsanaa, Nin walbaan wuxuu u dhaqaaqay meeshuu u Johan lahaa, tasoo ka macne ah in ay kala quusteen iyo In aaminaad dambe aysan jirin.

Waxaa Xogta kamid ah in Musharixiintu ay Sadexda Madaxweyne u dhiibeen dhambaal ku socda Madaxweyne Farmaajo kasoo ah Inuusan Doorasho qaban karin, haduu isku dayaana uu Masuul ka yahay wixii ka yimaada.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Xogta .. Muxuu kusoo dhamaadey Kulankii Xalay dhexmaray Madasha Musharixiinta iyo Sadexda Madaxweyne Maamul Goboleed ee Farmaajo raacsan appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this