Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariye hore BBC Maxamed Maxamuud Cade : – Farmaajo cid neceb ma jirto ee siyaasad xumadiisa ayaa halkaa dhigtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wariyihii hore ee Idaacada BBC laanteed afka somaaliga oo maanta u waraamyey Warbaahinta Goobjoog ayaa sheegay Qabaa’ilka Mogadishu Clan lagu khasbay, oo la gaarsiiyey in maamul u sameystaan Gobolka Banaadir madaama ay yihiin qabiilka gobolkan isaga leh.

Sidoo kale mudane Maxamuud Maxamed Cade ayaa xaraan ku tilmaamay in dad gaar ahi ay sheegtaan oo dadka iska xijiyaan Dawlada somaaliyeed, kaligoodna isu arkaan wadaniyiin.

Mudane Cade ayaa ka digay in shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qalabka sidaa ay ku milmaan siyaasada oo ay taagerayaal u noqdaan rijiimka Farmaajo.

Ugu danbeyntii Wariye Maxamed Maxamuud Cade ayaa sheegay in aanay haba yaraatee jirin cid neceb Madaxweyne Farmaajo, laakiinse halkaas maanta waxa dhigay ee looga soo wada horjeestay ay tahay siyaasad xumadiisa.

Halkan ka dhageyso hadal jeedinta Wariye Maxamed Maxamuud Cade

The post Wariye hore BBC Maxamed Maxamuud Cade : – Farmaajo cid neceb ma jirto ee siyaasad xumadiisa ayaa halkaa dhigtay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this