Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Magacyada Guddiga loo magacaabay ka tala-bixinta Sicir-bararka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiya cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.

Guddiga ayaa ka kooban:

Madaxweynihii Hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland.

Wasiiradii hore ee Maaliyadda ( Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh).

Wasaaradda ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.

Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Iyo Bangiga Dowladda Puntland.

Madaxda qaar ka mid ah Jaamacadaha Puntland iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha ayaa guddigan kala shaqeyn doona talabixinta.

Madaxweynaha ayaa guddigan magacaabay kadib markii uu maanta Shir-guddoomiyey kulan gaar ah looga hadlay xal u helida cabashooyinka la xiriira Shillin Soomaaliga.

PUNTLAND POST

The post Akhriso: Magacyada Guddiga loo magacaabay ka tala-bixinta Sicir-bararka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this