Deeq A. Posted January 9, 2021 Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ciidamo badan ka dajisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ciidamadan oo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saddex diyaaradood lagu geeyey garoonka Ugaas Khaliif, iyada oo laga qaaday Muqdisho. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Hiiraan ayaa askartaasi oo wata hubkooda ku soo dhoweeyey gudaha magaalada Beledweyne. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Haramcad ay xoojin doonaan howlaha sugida amniga doorashada kuraasta xildhibaannada ee dhowaan ka dhici doono Beledweyne. Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho guud oo oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites