Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumaandooska Danab oo burburiyay gaari qaraxyo lagu diyaariyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Kumaandooska Danab ee dowladda Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku burburiyeen ay Al-shabaab ku diyaarisay walxaha Qarxa.

Hawlgalka oo ka dhacay nawaaxiga degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa lagu burburiyay Gaarigaas oo Al-shabaab doonayeen, in ay ku fuliyaan weeraro Argagixiso.

Sidoo kale, Hawlgalka waxa lagu qabtay saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo Qaraxyada diyaarinayay, sida laga soo xigtay Taliska Danab.

Ma jirto cid ka madax-bannaan Ciidanka Danab, oo xaqiijisay sheegashadan, iyadoo Al-shabaabna aysan weli ka hadlin Arrintaas.

PUNTLAND POST

The post Kumaandooska Danab oo burburiyay gaari qaraxyo lagu diyaariyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this