Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Cali Guudlaawe oo si weyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta si ballaaran loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

Cali Guudlaawe ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cosoble, wasiiro, xildhibaano iyo qeybaha kala duan ee bulshada.

Sidoo kale waxaa la filayaa inta uu Muqdisho joogo inuu Madaxweyne Guudlaawe la kulmo Madaxda ugu sareysa dowladda iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Hirshabelle.

Socdaalka Cali Guudlaawe ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan magaalada Muqdisho laga dareemayo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan doorashooyinka 2021-ka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-ACDB969D-9521-4D45-8EB8-EA3B1F7F51F2.jpe04AD8373-0284-48A7-A453-D8BB22983A43.jpeCB9232DD-126E-44FB-BF20-02E11BF4FF60.jpe0897A45A-EE0A-4F65-942F-1CC56290BE21.jpe

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this