Sign in to follow this  
Deeq A.

Ethiopia oo sheegtay in ay dishay saraakiil sare oo TPLF ka tirsan kuwa kalena la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ay dishay afar ka mid ah saraakiisha sare ee TPLF, islamarkaana ay xirtay xubno sar sare oo ka tirsanaa hoggaanka kooxda.

Madaxa howlgalada Ciidanka Ethiopia Birg.Gen. Tesfaye Aylew, ayaa sheegay in saraakiisha ay dileen ay kala yihiin Seko Ture Getachew oo ahaa afhayeenka TPLF, Zeray Asgedom, Abebe Gebremedhin iyo Daniel Assefa.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay xireen ilaa 9-xubnood oo sarsare, kuwaas oo kala ah  Teklewoini Assefa,  Dr Solomon Kidane,  Gebremedhin Tewolde, Woldegiorgis Desta, Ambassador Abadi Zemo, Kidusan Nega, Tedros Hagos, Mihret Teklay, Abrham Adem Mohammed.

Madaxa howlgalada ciidanka itoobiya wuxuu sheegay in ay ku raad joogaan madaxda dhiman ee TPLF, kuwaas oo wali ku dhuumaalaysanaya dhulka buuraleyda ah ee gobolka Tigey.

PUNTLAND POST

The post Ethiopia oo sheegtay in ay dishay saraakiil sare oo TPLF ka tirsan kuwa kalena la qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this