Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaharadayaal Weerar ku qaaday,qabsadeyna Xarunta Kongareeska Mareykanka+Toogasho ka dhacday & Dhimashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudaharadayaal Weerar ku qaaday Xarunta Kongareeska Mareykanka+Dhimashada

 capitol.jpg
.

Haweeney ayaa lagu soo warramayaa in la toogtay, kaddibna dhaawac soo gaaray ay u geeriyootay. Taageerayaasha rabshadaha wata ee madaxweyne Donald Trump ayaa jabiyay xarunta loo yaqaan ‘Capitol’ ee magaalada Washington, iyadoo xildhibaanada ay kulmeen si ay u xaqiijiyaan in madaxweynaha la doortay Joe Biden uu ku guuleystay doorashada.

Muuqaallada qaar ayaa muujinayay banaanbaxayaasha oo isugu soo xoomay dhismaha iyadoo xubnaha Congress-ka ay la cararayaan booliska.

Mr Biden wuxuu sheegay in ficilku uu ahaa “inuu hada dhamaado”, Mr Trump wuxuu sii daayay fariin muuqaal ah oo uu taageerayaashiisa kaga codsanayo inay guryahooda aadaan

Kalfadhigii wadajirka ahaa ee Congress-ka ee lagu cadeenayay guushii Mr Biden ayaa la hakiyay laguna qasbay in lagu kala tago.

Waxaa jira warbixino sheegaya in qoryo lala soo baxay gudaha dhismaha waxaana ugu yaraan la toogtya hal qof hal qof .

Haweeney ayaa la sheegay in xaalad adag ay ku sugan tahay kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray qoorta.

Iska hor imaad hub la isu adeegsaday ayaa ka dhacay albaabada Aqalka Golaha Wakiilada. Waxaa sido kale la adeedsaday sunta indhaha ka ilmeeysiisa.

I’m sheltering in place in my office. The building next door has been evacuated. I can’t believe I have to write this.

— Rep. Haley Stevens (@RepHaleyStevens) January 6, 2021

Xubnaha Koongareeska waxaa loo sheegay inay baneeyaan dhismaha ama aysan ka dhaqaaqin goobta ay ka joogaan Aqalka. Mid ka mid ah haweenka ka tirsan Aqalka congress-ka ayaa qoraal ay soo dhigatay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in ay ku sugfantahay xafiiskeeda.

Dhanaka kale madaxweynaha waqtiiga sii dhammaanaya ee Trump ayaa muqaal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka taageerayaashiisa ugu baaqay in ay isaga baxaan dhismaha Capitol balse weli wuxu ku anadcoonayaa in Dimuqraadiyiinta ay xadeen codadka doorashdii uu ku guuleystay Biden.

Afhayeenka madaxweyne Trump Kayleigh McEnany, ayaa boggeeda Twittrer-ka ku sheegtay in Ciidamo Ilaalada Qaranka lagu daad-gureeyay halkaasi. 

Ciidamo ayaa sidoo kale laga abaabulay gobollada dariska ah.

At President @realDonaldTrump’s direction, the National Guard is on the way along with other federal protective services.

We reiterate President Trump’s call against violence and to remain peaceful.

— Kayleigh McEnany (@PressSec) January 6, 2021

Waxaa la arkayay dibadbaxaaysha oo dhexmaraya gudaha dhismaha iyagoo ku qeylinaya erayo ah ” Waxaan dooneynaa Trump” Waxaa sidoo kale la sawiray mid ka mid ah dibadbaxayasha oo ku fadhiya kursiga madaxweynaha ee Aqalka senet-ka.

.

Duqa magaalada Washington ayaa ku dhawaqay bandow lagu soo rogay guud ahaan guud ahaan magaaladaasi.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegay in dibadbaxyo ay ka ka socdaan gobollada Kansas iyo Georgia, gaar ahaana dhismayaasha golha sharci dajinta ee gobolladaasi

.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this