Sign in to follow this  
Deeq A.

Allaah ha u naxariistee Wariye Axmed Cabdi Nuur oo maanta ku geeriyooday London

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid ka mid ah wariyeyaashuu rug-caddaaga ahaa ee ugu caansanaa laanta Afsoomaaliya ee BBC-da ayaa ku geeriyooday magaalada London ee waddanka Ingiriiska.

Axmed Cabdinuur, oo Soomaalidu ay si weyn magaciisa iyo codkiisaba u yaqaanneen ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida ay noo xaqiijisay xaaskiisa.

Warka ku saabsan geeridiisa ayaa aad uga nixiyay guud ahaan shaqaalaha BBC-da, gaar ahaan asxaabtii ay isla soo shaqeeyeen iyo kuwii uu tusaalaha lagu daydo u ahaa.

Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.

The post Allaah ha u naxariistee Wariye Axmed Cabdi Nuur oo maanta ku geeriyooday London appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this