Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciyaaryahan Sarqaawi “Waan U Mahadcelinaynaa Madaxda Wasaaradda Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Galmudug”

Recommended Posts

Deeq A.   

Bahda ciyaaraha Galmudug ayaa u mahadceliyay hogaanka Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada Galmudug shaqadii wanaagsan ay ka qabteen guulaha isboortiga Galmudug mudadii ay xafiiska joogeen,waxayna intaa ku dareen in Galmudug markii ugu horeesay taariikhda ay gaartay Fiinalaha tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Sequence-283.00_10_41_13.Still005-1024x7

Xubin ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka Galmudug ayaa Wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyaradda ku amaanay juhdiga ay ku bixiyeen guusha ay ciyaartooyda Galmudug ka gaareyn tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,sanadaha soo aadan ay sugayaan koox adag.

IMG_7669-1024x683.jpg

Ciyaartooyda Galmudug ayaa qiray in mas’uuiyeenta Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada ayaa guul iyo guul darab ay garab taagnaayeen Macallimiinta iyo laacibiinta Galmudug ee kaalinta labaad ka galay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Screenshot-2020-12-26-at-18.06.07-1024x7

”Waan u mahadcelinaynaa Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada Galmudug kaalinta ay ka qaadatay guulaha ay Galmudug ka gaartay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,waxaan rajaynayaa anagoo wadajir ah in aan gaarno guulo waaweyn sanadaha soo socda” ayuu Goobjoog Sports u sheegayGuddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug mudane Xasan Axmed Shire.

MVI_0337.MP4.00_00_25_11.Still001-1024x5

Wasiirka Ciyaaraha Iyo dhalinyarada Galmudug mudane Xuseen Cabdulle Xasan iyo ku xigeenkiisa Mahad Sheekh Cali Cibaar ayaa iyagana si wadajir ah ugu mahadceliyay qof kasta oo kaalin ka geystay meesha maanta taaganyihiin ciyaaraha dalka,tani iyo bilaaw u tahay guulaha iyo horomarka dhallinyarada Galmudug.

Sequence-283.00_06_39_20.Still004-1024x7

Daawo Warbixin Ku Saabsan Wasaaradda Ciyaaraha Galmudug

Sidoo Kale Aqriso Warbixino Ku Saabsan Wasaaradda

Wasaaradda Ciyaaraha & Dhalinyarada Galmudug Ayaa Kulan U Mahadcelin Ah U Samaysay Ciyaartooyda Iyo Macallimiinta Galmudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this