Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ka soo baxaysa Qarax xalay ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qarax fiidnimadii xalay dhacay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, gaar ahaana nawaaxiga dugsiga 21-ka October.

Qaraxa oo ahaa miino la dhigay wadda dhinaceeda ayaa lala beegsaday, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Siddiiq Aden Cali inkastoo uu ka badbaaday.

Af-hayeenka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in gaariga uusan la socon. Sida ay sheegeen dad goob joog ah, qarraxa ah ayaa waxaa ku dhintay haweeneey.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaas, inkastoo kooxda Al-shabaab looga bartay weerarada noocaas ah.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin ka soo baxaysa Qarax xalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this