Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Talyaaniga oo soo faro-gelisay muranka ka taagan doorashada Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Talyaaniga ayaa billowday dadaallo ay xal ugu raadineyso muranka ka taagan doorashada Soomaaliya, xilli baarlamanka dalka uu waqtiga ka dhacay, madaxweynahana uu ku dhow yahay.

Safiir ku-xigeenka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Massimiliano Bertollo ayaa maanta Muqdisho kula kulmay guddiga lagu mursansan yahay ee Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Guddiga ayaa ka warbixinaya kulanka ayaa sheegay in laga wadahadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee horay loo qaaday waafaqsanna heshiiskii ay bishii September ee sanadkii hore gaareen dowladda dhexe iyo dowald goboleedyada.

Safiirka ayaa guddiga lagu muransan yahay u sheegay in Talyaaniga uu daneynayo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho la wada ogol yahay oo xor iyo xalaal ah, wuxuuna guddiga kula taliyey inay sidaas sameeyaan.

Dhanka kale gudoomiyaha guddiga Maxamed Xasan Cirro ayaa uga mahad celiyay dowladda Talyaaniga kaalinta ay kaga jirto taageerada la siiyo xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga waxey safiir ku xigeenka dowladda talyaaniga u sheegeen iney diyaar u yahiin hirgalinta doorasho loo siman yahay.

Kulankaan ayaa imaanaya xilli la filayo inuu dib u dhac ku yimaado jadwalkii doorashada ee lasoo saaray, sidoo kalana wali waxaa jirta in musharaxiinta xilka madaxweynaha aysan ku qanacsaneyn guddiga.

Arrimaha doorashooyinka iyo fulintooda wali waxaa saaran calaamad su’aal iyadoo muddo xileedka xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay uga hartay in ka yar 35 Maalmood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this