Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Wiish “Tartanka Maamul Goboleedyada Waxaa Loo Qabtaa In Laga Helo Ciyaartooy Tayo Wanaagsan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa sheegay in muhiimada ugu weyn ee loo qabanayo tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay tahay in laga helo ciyaartooy tayo wanaagsan oo wax badan ka badasha kubbadda cagta Soomaaliya iyo guulaha Xulka Qaranka Soomaaliya.

132503309_3473733296025634_1375629764615

“U jadeeda sanadkii mar loo qabto tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,waa is dhaxgalka bulshooyinka kala duwan ee dalka,sidoo kale waa in ay is bartaan dhallinyarada kala joogta magaalooyinka waaweyn ee dalkeena” ayuu sheegay guddoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

132418128_3473735786025385_1567849989665

Dhinaca kale Guddoomiye Wiish waxa uu sheegay in ahmiyada ugu weyn ee loo qabanayo ciyaaraha Gobolada ay yihiin in laga helo ciyaartooy tayo wanaagsan oo qeyb ka qaadata guulaha kooxaha kubadda cagta iyo Xulalka Qaranka Soomaaliya

134118713_3491821050883525_4346674311623

“Waxaa rajaynayaa in tartankii soo dhamaaday ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir laga helo ciyaartooy tayo sare oo anfacda Xulka Qaranka Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Xasan Yabarow Wiish.

Screenshot-2020-12-29-at-10.46.37-1024x9

Daawo Guddoomiye Oo Ka Hadlaya Arrimahaas

Sidoo Kale Aqriso Xogo Kale Oo Ku Saabsan Guddoomiye Wiish

Guddoomiye Wiish “Hambalyo Dhamaan Bulshada Caasimada”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this