Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno Ka Tirsan Guddiga Doorashada Labada Aqal Ee Heer Federal oo Gaaray Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay waxaa maanta dib ugu soo laabtey xubnaha Guddiga Maamuli doona Doorashooyinka labada aqal ee dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, Soomaaliya oo Maalamahan Safar Shaqo ugu maqnaa Magaalada Caasimada Ee Muqdisho oo uu uga Socday Tababaro Ku saabsan Habraacyada doorashooyinka iyo Qaabka ugu Wanaagsan ee Degaanada Koonfur Galbeed ugu Qabsoomi lahayd Doorashada Labada Golle ee Soomaaliya 2020-2021 ayadoo La Raacayo Heeshiiskii Iyo Haabraaca Lagu Heshiiyay Ee Doorashooyinka.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ku Soo Dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed mudane Abdulaahi Ali Watiin iyo Masuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobalka Baay ,

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo Goobta ka Hadlay ayaa Soo Dhaweeyay Xubnaha Guddiga.

Gudoomiye Ku-xigeenka Gudiga Hirgalinta Dooradhooyinka Koonfur Galbeed ahna Kusimaha Gudoomiyaha Guddiga Nuuradiin Ibraahim Aadan ayaa sharaxay ujeedka Safarkooda iyo Howlihii Usoo Qabsoomay.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan bilaabu doonna howlaha doorashooyinka.

received_827216657839121-1.jpeg received_3524978430950255-1.jpeg received_388089655620162-1.jpeg

Goobjoog News

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this