Jacaylbaro Posted August 16, 2010 Ha dhaafin xudduuda noloshu leedahay Nolosha adduunka waxay caan ku tahay isbedbeddel iyo in lagu arko kolba wejinooc ah. Haddii aad u fiirsato arki maysid qof ku faraxsan noloshiisaoo dhan, saaxiibkaa, xaaskaaga, inankaaga, aabbahaa iyo hooyadaa haddayyihiin dad farxad badan mar uun ayaad arki kartaa iyaga oo ay dhacday wax niyadooda xumeeya. Haddaba marka aad aragto arrimaha noocaas ah hala yaabin hana dabagelin ee ku ilow wanaagyadii badnaa ee aad kutaqaanay. Illaahay S.W ayaa adduunka ugu talogalay iinuu u qaybsanaado laba arrimood oo iska soo horjeeda, kuwaas oo kala ah; khayr iyo shar,wanaag iyo xumaan, farxad iyo murugo. Si aynu tafaasiil dheeraad ah nolosha adduunka uga helno Nabigeenii N.N.K.H.A wuxuu yidhi; ''Adduunkaiyo waxa ku jiraaba way nacdalan yihiin marka laga reebo xuska Eebbeiyo wixii la xidhiidha iyo aqoonyahan iyo mid waxbaranaya. ''Xadiiskani wuxuu inoo iftiiminayaa in adduunka uu ku sifeysan yahay mid aan dhamaystirnayn, haddii qofka u nooli yahay mid isku dayaya inuu dhamaystiro qaybaha kala duwan ee noloshiisa waxa uu noqonayaa qof doorbidaya inuu ka gudbo xadkii Eebbe u dhigay nolosha adduunka. Haddaba waxa innala gudboon inaynu adduunka ugu noolaano si raaligelinaysa Eebbe oo ka kooban is cafin,isku soo dhawaansho, is ixtiraamid iyo isku dulqaaddasho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 18, 2010 Dadka waxa ugu jaahilsan qofka sharka sameya khayrkana rajeeya Muraayad arag oo weynaso leh waxay weynaysaa qofkii qaata, wax kasta mar wax lagu kordhiyo wuu nusqamaa farxadase way koradhaa. Masiibadda oo la fisho ayaa masiibadda ka shar badan, waxayna dabar go’daa marka ay dhacdo. Qaniga waa midka waxa gacantiisa ku jira kaga kalsoonaada waxa gaccanta dadka kale ku jiro, faqiirkuna waa midka aan nolosha waxa yaal aan ku qancin naftiisuna aad damaca ka dhammaan. * Dadka waxa ugu jaahilsan qofka sharka sameya khayrkana rajeeya. * Qofku wax uu dhawro waxa ugu wanaagsan diintiisa. * Qoom kasta cadowgooda wuxuu ka adkaadaa marka ay is khilaafaan. * Murugooyinka markay far badtaan way wada dataan. * Naftaaadda hagaaji dadkaa kuu hagaagaya. * Nicmadu waxay ku waartaa shukriga. * Mar mar dadka u booqasho tag wey ku jeclanayaan. * Camal la sameeyo waxa ugu wanaagsan midka la daa’imo haba yaraadee. * Rayiga ayey raciyada ku hagaagt. * Kalah waad farxi. * Caddaalad ayaa dadka lagu hantaa. * Maalka waxa barakeeya sakadda. * Saltanada waxa xejiya caddaaladda. * Taajirka fulayga ahi mar kasta wuu khasaaraa. * Rajo waxa ugu wanaagsan Alle oo lagu kalsoonaado. * Nin rag cadowgiisa waa calooshiisa. * Midhaha cilmiga waa cilmiga oo la falgeliyo. * Jaahilku waddankiisa khariib ayuu ku yahay. * Fulaynimada waa nusqaan. * In badan dadaal in yarna ku qanac. * Ciidammadu waa dhufayska wadamadda. * Xadhigga beentu waa mid aad u gaaban. * Wadamaddu waxay ku camirmaan jacaylka wadanka marka la jeclaado. * Dunida waa maal, aakhirna waa camal (dunida waxa lagu faanaa hanti, aakhrina waxa lagu faanaa camalka. * Aabbahaa dhawr inankaaga ayaa ku dhawriye. * Badbaadadu waxay ku jirtaa dhawrsanaanta. * Geesinimadu waa saacad oo la sabro. * Samirku waa furaha guusha. * Samirku waa xeelad. * Runtu waa badbaado iyo sarreyn. * Dulmi lagalo waxa ugu xun qof liita oo la dulmo. * Caddaaladdu waa guul. * Dhawranaantu waa quruxda faqriga. * Shaqadu waa nolol, raaxaduna waa dhimasho. Qalinkii: M.M.Kastan/Hargaysa Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted August 18, 2010 Qoom kasta cadowgooda wuxuu ka adkaadaa marka ay is khilaafaan. Xaaji Rooblow, Hadaba Soomaali yaa ka dhaadhicin taa? Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites