Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah ku casumay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Talaado ah la kulmo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa kulan Qado Sharaf ah ku casumay Hoggaamiya Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo sidoo kale ka tirsan Midowga Murashixiinta Muqdisho, waxaana la filaya in uu kala hadlo xallinta muranka Arrimaha Doorashada 2021.

Labada mas’uul, ayaa ka wada-hadli doona sidii loo dhammayn lahaa khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Midowga Murashixiinta, oo ku saabsan Guddiga lagu muransanyahay ee Doorashooyinka heer Federaal.

Midowga Murashixiinta, ayaa diiddan Guddiga hirgelinta Arrimaha Doorashooyinka oo dowladda Federaalku magacowday, kuwaas oo la sheegay in ay ku jiraan xubno ka tirsan Shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada Qalabka sida.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah ku casumay Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this