Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga lagu muransanyahay ee Doorashooyinka heer Federaal oo la kulmay safiir ku xigeenka Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   
1-5.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Guddoomiyaha Guddiga laguu muransanyahay ee Doorashooyinka heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro iyo xubno ka tirsan Guddiga, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Safiir ku-xigeenka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Massimiliano Bertollo.

Guddiga iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay Hirgelinta Doorashada heer Federaal, oo weli muran xooggan ka taaganyahay, islamarkaana aysan heshiis dhab ah ka gaarin dowladda Federaalka iyo Saamileyda Siyaasadeed ee dalka.

Gudoomiye Cirro ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga kaalinta ay kaga jirto tageerida Soomaaliya.

Guddiga lagu muransanyahay, ayaa safiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin Hirgelinta doorasho daahfuran oo xiligeeda ku dhacda, waxayna ka codsadeen beesha caalamka in ay kaalintooda qaataan.

PUNTLAND POST

The post Guddiga lagu muransanyahay ee Doorashooyinka heer Federaal oo la kulmay safiir ku xigeenka Talyaaniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this