Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Ninkaan oo kale ayaar rabo dalka xukumo

Recommended Posts

See garoon diyaaradeed caalami ah hub loola galaa? Let him try in his base of Nayroobi's Jomo Kenyatta and see what happens.

Midowga musharaxiinta oo ka horyimid amarkii ay dul-dhigtay dowladda Soomaaliya

Midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa si weyn uga soo soo horjeestay go’aankii shalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee lagu mamnuucay hubka lala galo garoonka Aadan Cadde, marka laga reebo madaxda dalka.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku hadlayey magaca & afka musharraxiinta mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday in aan la aqbali karin go’aankaasi oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid hal dhinac ah oo  loogu darnaanayo iyaga, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u waramay VOA ayaa sheegay in la doonayo in qatar la geliyo amnigooda, mar hadii ay madaxdu ilaalo la galayaan garoonka, iyagana laga reebayo.

“Haddii ay amniga garoonka isku aamini waayeen anaga miyey na gelinayaan meel Qatar ah?,” ayuu yiri musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in aysan macquul aheyn in madaxda dowladda kaliya loo ogolaado hub iyo ilaalo, islamarkaana iyaga laga dhigo kuwa beylaha oo la beegsan karo.

“In anaga nala yiraahdo garoonka hubka lama galeeysaan, Madaxda sarena waa ay isku aamini waayeen amniga garoonka oo waa ay la galayaan taasi maahan wax macquul ah oo aan aqbaleyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiashakuur.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dowladda dhexe iyo mucaaradka isku hayaan hanaanka doorashooyinka dalka oo weli uu ka taagan yahay is mari waa aad u xoogan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this