Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdifataax Qaaje “Waxaan Finland Ugu Soo Safarnay Guusha Iyo Horomarka Galmudug”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Ururka Ciyaaraha iyo dhaqanka ee SOCUS ee Wadanka Finland mudane Cabdifataax Maxamed Qaaje ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin wax qabadka wanaagsan ay soo bandhigeyn ciyaartootda ay ka keeneen dalka Finland ee markii ugu horeesay ka qeyb galay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

MVI_7657.MP4.00_01_02_04.Still002-1024x5

Waxaan dalka keenay ilaa afar ciyaartooy kuwaas oo u kala dheelay kooxaha Gobolka Banaadir iyo Galmudug,Alx waan ku faraxsanahay in afartoodaba ay soo gaareyn heerka ugu danbeeya tartanka Maamul Goboleedyada 2020”,waxayna arintan guul weyn u tahay Ururka ciyaaraha iyo dhaqanka SOCUS ee dalka Finland ayuu sheegay Mudane Cabdifataax Maxamed Qaaje oo ah Xoghayaha Ururka isboortiga iyo dhaqanka ee SOCUS.

Screenshot-2020-12-25-at-10.39.10-1024x7

Waxaan ka soo safarnay lix kun oo kilometer,si aan qeyb ugu noqono guusha ay kooxda kubbadda cagta Galmudug ee ka gaartay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,waxaana arintan ugu mahadcelinaynaa madaxda isboortiga Galmudug oo si wanaagsan noo soo dhaweeyay” ayuu saxaadda ciyaaraha u sheegay Xoghayaha Ururka isboortiga iyo dhaqanka SOCUS ee Wadanka Finland mudane Cabdifataax Maxamed Qaaje.

Sequence-176.00_03_59_08.Still001-1024x7

Daawo Qaaje Oo Ka Hadlay Guusha Kooxda Galmudug

Sidoo Kale Aqriso Xogo Ku Saabsan Ciyaartooydii Ka Timid Wadanka Finland Ee Ka Qeyb Galay Tartanka Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir

Axmed Mowliid “Fursad Qaali Ah Ayay Aheyd In Ku Dheelo Dalkayga”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this