Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Kaaliye Cusub U Magacaabay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Arbacadii shalay u magacaabay haweeneyda lagu magacaabo Anita Kiki Gbeho, oo u dhalatay dalka Ghana, ku-xigeenka wakiilkiisa gaarka ah ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM.

Kiki Gbeho ayaa xilkan kala wareegysa ninka jagadan hore usoo hayey ee Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe, kaas oo isagana loo magacaabay kaalliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Libya.

Xoghayaha Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in Gbeho ay leedahay qibrad 25 sanno ah oo la xidhiidha qorsheynta istaratjiyadda, isku duwidda iyo maamulka siyaasadda waxayna kasoo shaqeysay xafiiska horumarinta arrimaha binu’aadannimada Qaramada Midoobay ee New York.

Haweeneydan ayaa Qaramada Midoobay kala soo shaqeysay dalal colaado ka dhaceen oo ay kamid yihiin Angola, Cambodia, Iraq, Namibia, Sudan iyo Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this