Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo kaaliye cusub u soo magacabaay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay oo kaaliye cusub usoo magacawday Soomaaliya

 un-1.jpg

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Arbacadii u magacaabay haweeneyda lagu magacaabo Anita Kiki Gbeho oo u dhalatay dalka Ghana ku xigeenka wakiilkiisa gaarka ah ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM.

Kiki Gbeho ayaa xilkan kala wareegysa ninka jagadan horay usoo hayey ee Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe kaas oo isagana loo magacaabay kaalliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Libya.

Xoghayaha Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in Gbeho ay leedahay qibrad 25 sano ah oo la xiriirta qorsheynta istaratjiyadda, isku duwidda iyo maamulka siyaasadda waxayna kasoo shaqeysay xafiiska horumarinta arrimaha binu’aadannimada Qaramada Midoobay ee New York.

Haweeneydan ayaa Qaramada Midoobay kala soo shaqeysay dalal colaado ka dhaceen oo ay kamid yihiin Angola, Cambodia, Iraq, Namibia, Sudan iyo Soomaaliya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this