Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog:Dawlada Maraykanka oo Hub cusub ka iibinaysa Dalalka Sacuudiga iyo Kuwait

Recommended Posts

Deeq A.   

Maraykanka oo hub cusub ka iibinaya Sacuudiga iyo Kuwait

Dowlada Maraykanka ayaa ansixisay hub cusub oo laga iibinayo dalalka Sacuudiga iyo Kuwait.

Apache-diyaarado-iibhub2021-1088x720.jpg

Dalka Kuwait ayaa doonaya inuu ka iibsado shirkadaha hubka soo saara ee Maraykanka diyaaradaha dagaalka ee Apache iyo gantaalada difaaca ee loo yaqaan Patriot.

Heshiiska kuwait oo la sheegay inay ku bixi doonto in ka badan $4.3 bilyan oo dollar ayaa waxaa kamid ah qalabka dayactirka ee diyaaradaha iyo hubka horey looga iibiyey dalkaasi.

iibhub-gantaaloSA2021-2.jpg

Maraykanka oo ku cadaadida dalalka uu xiriirka la leeyahay inay hubkiisa gataan ayaa sanad walba balaayiin dollar kasoo gashaa wadamadaasi oo ku khasban inay markale shirkadahooda ka iibsadaan qalabka diyactirka iyo cusbooneysiinta hubkaasi casriga ah.

Dhinaca kale Xukuumada Trump ee wakhtigeeda sii dhamaanayo ayaa ansixisay heshiiska gantaalada casriga ah looga iibinayo dowlada Sacuudiga.

iibhub-gantaaloSA2021.jpg

Gantaaladan ayaa waxaa kamid ah 3kun oo ah kuwa diyaaradaha isticmaalaan ee lagu duqeyn karo goobaha fog.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this