Sign in to follow this  
Deeq A.

Prof.Faisal Rooble : – Raisal Wasaare ku xigeen Mahdi Guleed hadalkisii maanta ee Federaalku waa ” Awr Heeryadiisii Cunay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan hada dhagaystay RW Ku xigeenka Mahdi Guuleed oo Madasha #Garowe ku minjo xaabiyey federaalka kana shigay wax weli la isku haysto. Waxaad moodaa, isaga oo ka turjumaya in MW Farmajo aanu marna aqbalin Fadaraalka, in uu Mudanuhu madasha la yimid dood ah in “federaalka muran ka taaganyahay.” Waa minjo xaabin cad iyo yasid uu ku sameeyey Soomaalida meeshan isugu timid.

Waa ku ceeb RW oo axdiga dalka u yaalay, masuulna ka ahaa ilaalintiisa, in uu yidhaa “waa la isku haystaa!”

Waxa munaasib ahayd in uu axdiga laftiisa soo xigto uu ka dhex raadiyo qodobada dibu garabbada madasha fadhida isku soo dhaweyn kara. Waxan sidan oo kale in ay u hadlaan ku haboontahay barayaasha, cilmi baadhayaasha, iyo actifistayaasha. Kuma haboona RW.

Hadal RW mahayn. Nidaamka ilaa 2000 lagu soo dhaqana, 2012 dhaqan galay, in uu mala awaal galiyo waxay ku tusaysaa isaga iyo MW uu u shaquueyaa in aanay weli diyaar u ahayn ku dhaqanka dastuurka.

  • Screenshot_20201230-224826_Gallery-724x5

The post Prof.Faisal Rooble : – Raisal Wasaare ku xigeen Mahdi Guleed hadalkisii maanta ee Federaalku waa ” Awr Heeryadiisii Cunay” appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this