Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Waa kuma mas’uulka Somaliland u soo wakiilatay Shirka Garoowe?

Recommended Posts

Deeq A.   
sawirkiisa.jpg?resize=720%2C480&ssl=1Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shirka Madasha Heritage ee Garoowe u soo wakiishay, La-taliye sare oo ka tirsan Xafiiskiisa, kaas oo saaxiibo badan ku leh Madaxtooyada Puntland.

Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud oo ah La-Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bulshada, ayuu Madaxweyne Biixi u soo wakiishay in uu Somaliland ku metelo Shirka Madasha Aragti Wadaagga hay’adda Heritage oo Galabta ka furmay Garoowe.

Mr. Cabdiwaaxid oo haatan ku sugan Garoowe, waxa sidoo kale Madaxweyne Biixi u soo wakiishay in uu goob-joog ka noqdo Kulamo lagu dhex-dhexaadinayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, si loo xalliyo muranka ka taagan Guddi-hoosaadka soo xulaya xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto Somaliland.

La-taliyaha oo si weyn uga dhuumanaya Warbaahinta, ayaa tan iyo xalay kulamo kala duwan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo xildhibaannada Somaliland ku metela dowladda Federaal oo ku sugan Garoowe.

Cabdiwaaxid oo kalsooni badan ka haystan Madaxweyne Muuse Biixi, waxa xilkan La-taliyaha Arrimaha Bulshada loo magacaabay 29-kii January 2018, waxaana mudadii uu xilka hayay u shirar muhiim ah ku metelay Madaxweyne Biixi.

PUNTLAND POST

The post Xog: Waa kuma mas’uulka Somaliland u soo wakiilatay Shirka Garoowe? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this