Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Hub Cusub Ka Iibinaya Sacuudiga Iyo Kuwait

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dowladda Maraykanka ayaa ansixisay hub cusub oo laga iibinayo dalalka Sacuudiga iyo Kuwait.

Dalka Kuwait ayaa doonaya inuu ka iibsado shirkadaha hubka soo saara ee Maraykanka diyaaradaha dagaalka ee Apache iyo gantaalada difaaca ee loo yaqaan Patriot.

Heshiiska kuwait oo la sheegay inay ku bixi doonto in ka badan $4.3 bilyan oo dollar ayaa waxaa kamid ah qalabka dayactirka ee diyaaradaha iyo hubka hore looga iibiyey dalkaasi.

Maraykanka oo ku cadaadida dalalka uu xidhiidhka la leeyahay inay hubkiisa iibsadaan ayaa sannad walba ballaayiin dollar kasoo gashaa waddamadaasi oo ku khasban inay markale shirkadahooda ka iibsadaan qalabka diyactirka iyo cusbooneysiinta hubkaasi casriga ah.

Dhinaca kale Xukuumadda Trump ee wakhtigeeda sii dhammaanayo ayaa ansixisay heshiiska gantaalada casriga ah looga iibinayo dowlada Sacuudiga.

Gantaaladan ayaa waxaa kamid ah 3kun oo ah kuwa diyaaradaha isticmaalaan ee lagu duqeyn karo goobaha fog.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this