Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashda oo ka hadlay khilaafka weli ka jira doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay muranka weli ka taagan doorashooyinka dalka.

Cirro ayaa marka hore shaaca ka qaaday in guddigooda uu is casilayo, haddii uu wax qaban waayo xaaladda dalka, gaar ahaan qabsoomida doorashada ee 2021-ka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in iyagu aysan shaqo ku laheyn soo magacaabista guddiyada doorashooyinka dalka ku metalaya Jubbaland iyo Puntland, balse laga rabo hoggaamiyeyaashooda oo uu tilmaaamay inay siyaasad ahaa isku hayaan dowladda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu mar labaad dib u dhac ku yimid jadwalka doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka ka taagan dalka ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this