Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo xoojinaysa isku xirka mashaariicda caafimaadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale ayaa Magaalada Sama-reeb ka daah-furtay shirka dib u eegista iyo isku xirka mashaariicda Caafimaadka Galmudug oo ay ka qayb galeen hay’addaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Nafaqada iyo fayadhowrka ee ka howlgala Deegaanada Galmudug.

Kulankan oo ay qayb ka yihiin Agaasimayaasha iyo agaasime waaxeedyada Wasaaradda ayaa dib loogu eegayaa wax qabadkii sanadkan sii idlaanaya ee arimaha Caafimaadka, Nafaqada iyo fayadhowrka, iyadoo la dul istaagayo culaysada jira iyo waxyaabaha aan wali wax laga qaban ee u baahan in lagu daro qorshaha sanadka soo socda ee 2021-da.

Wasiir Dowlada Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada Goboleedka Galmudug Axmed Mirre Faafaale ayaa tilmaamey in Wasaaradda iyo hey’addaha wadashaqeyntu kala dhaxeyso ay isla gorfeyn doonaan sidii looga gudbi lahaa dhammaan dib u dhacyada jira, iyadoo lagu saleynayo qiimeynta iyo qorshayaasha wasaaraddu ka sameysay arimahaasi.

Ku talagalka mashaariic badan oo la doonayey in lagu horumariyo adeegga caafimaadka deegaanada Galmudug ayaa dib u dhacay sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo dhammaan caalamka oo dhan saameeyey.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

133850900_715663019318386_68613321432157 133863019_715662589318429_69215552555394 133870798_715662432651778_79755121938625 134199828_715662555985099_17255723038021 134239634_715663089318379_43462822189826 134626766_715663482651673_85885349311245 134726935_715662862651735_84226964589685

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this