Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Hore oo Ka Tirsanaa Puntland oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Allah unaxariistee waxaa habeenimadii xalay magaalada Garowe ku geeriyooday wasiirkii hore amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad).

Marxuumka ayaa la sheegayaa inuu kusoo booday xanuun ka dis ah, xili uu ku sugnaa hoygiisa uu ka degan yahay Garowe, waxaana ugu dambeyn uu u geeriyooday xanuunkaas.

Madaxweynha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geeerida ku timid wasiiskii hore ee amniga Puntland, waxaana uu tacsi u diray elahada iyo qaraabada uu ka baxay wasiirka.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this