Sign in to follow this  
Deeq A.

Muddaharaad ka dhacay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Jaah-wareer iyo qalalaase xooggan, ayaa saaka ka aloosan Suuqyada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kadib markii Ganactada waaweyn ee Laascaanood ay diideen socod-siinta iyo qaadashada Lacagta Shilin Soomaaliga ah.

Dhammaan Suuqyada kala duwan ee Laascaanood ayaa saaka xiran, waxaana Ganacsatada yar yare e Hilibka iyo Khudaarta iibiya ay halkaas ka sameeyeen muddaharaad ay ku diidan yihiin la furo Ganacsiga magaalada.

Ganacsatada yar yar, ayaa ka cabanaya Go’aanka Ganacsatada waaweyn ku diideen isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ah oo muddooyinkii u dambeeyay laga aamin-baxay, kadib markii qiima dhac xooggan ku yimid.

Diidmada Lacagta Shilin Soomaaliga ah ee gudaha Puntland, gaar ahaanna Garoowe, Boosaaso iyo Laascaanood, ayaa saamayn ba’an ku yeelatay Bulshada danyarta ah oo aan awoodin inay Dollar wax ku iibsadaan.

PUNTLAND POST

The post Muddaharaad ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this