Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo mudnaan gaar ah siiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   
4-14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa mudnaan gaar ah siiyay La-kulanka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Garoowe ku sugan.

Madaxweyne Deni, ayaa habeen hore hoyga uu degganyahay ku booqday Guddoomiye Xaashi, oo Garoowe u yimid ka qayb-galka Shirka Madasha Aragti-wadaagga hay’adda Heritage, kaas oo ku saabsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan xildhibaanno iyo sanataro heer Federaal ah, oo laga soo doorto Somaliland.

Labada mas’uul, ayaa la xaqiijiyay in ay labada Kulanba kaga wada-hadleen xal u helidda muranka ka taagan Arrimaha Doorashada 2020/2021, gaar ahaanna Guddiga Doorashada lagu muransanyahay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa aaminsan in Guddoomiye Cabdi Xaashi kaalintiisa laga siiyo magacaabidda Guddi-hoosaadka soo xuli doona xildhibaannada ka imaanaya Somaliland, si loo xalliyo muranka ka taagan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo mudnaan gaar ah siiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this