Deeq A. Posted December 29, 2020 Garoowe ( Faallo) — Khudbaddii Wasiirka Maaliyadda ee Puntland Xasan Shire uu u jeediyay dad iskugu yimid goob waxaa ka muuqday dhirif. Wasiirka wuxuu ku eedeeyay dad “Reer Nugaaleed ah” inay ka dambeeyeen bannaanbaxyo rabshado watay oo Garoowe ka dhacay. Khudbadda billowgeedii wuxuu kaga hadlay hoos u dhaca shilinka iyo sicir-bararka uu wato. Marnaba muu ka garaabin sida go’aammada dowladda Puntland u sababeen in ganacsatadu diiddo qaadashsda shilinka. Waxaa kale oo uu illoobay in siyaasaddii lacageed ee dowladdii Gaas ay keentay in Puntland yeelato shilin u gaar ah kuna hafisay suuqyada lacag saameyn ba’an ku yeelatay heerka sarrifka. Xasan Shire wuxuu ku dooday in adduunka aan lagula xisaabtami karin. Xasan Shire wuxuu sheegay in Eebbe uun uu la xisaabtamayo haddii uu waxqabad la yimaado iyo haddii kale. Ma aha hadal qof mas’uul ah laga filayay wuxuuse ka runsheegay sida uu arko dowladda iyo hay’adaha Puntland. Bannaanbaxyadii dadku sameeyeen dhowr maalmood ka hor ayaa dowladda Puntland ku qasbay inay soo saarto amarro ku saabsan adeegsiga shillin Soomaaliga oo dad badani rajeynayaan inay hirgalaan. Dadka qaar buu ku eedeeyay inay ku dhawaaqayeen ereyo siyaasadeed sida “Farmaajo ayaannu rabnaa”. Xasan Shire wuxuu si xanaaq ku jiro u sheegay in Madaxweyne cusub la dooran doono waayo “waqti yar” ayaa u haray Madaxweynaha xilka haya. Wuxuu kaloo ku tilmaamay dadka bannaanbaxyada abaabulay “xaasidiin” diiddan horumarka Garoowe. Wasiirku wuxuu xarig ugu hanjabay abaabulayaasha bannaanbaxyada. Waxaa xusid mudan in bannaanbaxyadii ka dhacay Garoowe ay gilgileen dowladda Puntland. In Xasan Shire ku faano inuu yahay qof aan lala xisaabtami karin waxay meel-ka-dhac ku tahay milgaha hay’adaha siyaasadeed iyo garsoorka Puntland. Siyaasadda dowladda Puntland ayaa hoos u dhaca shilinka keentay. Maamulka hadda xilka haya wuxuu ku ololeeyay inuu wax ka beddeli doono nolosha dadka. Dhibaatadu dibedda ugama iman Puntland. In Wasiirku siyaasadeeyo tabashooyinka dadka waa wax laga xumaado. Waa inuu Xasan Shire raalli-gelin bixiyo. © Puntland Post, 2020 The post Xasan Shire Raalli-gelin Ayaa Lagu Leeyahay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites