Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudiga doorashada ee lagu muransan yahay oo qirtay in jadwalkoodu shaqeyn waayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Doorashada heer federaal ee lagu muransan yahay ayaa shaaciyey inuu mar kale dib u dhac ku yimid xilligii loo qabtay inay billaabato doorashada Aqalka sare.

Maanta ayaa la qorsheeyay inay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay soo saaraan liiska Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare, balse qoraal kasoo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee lagu muransan yahay ayaa lagu sheegay in waqtiga la garsiiyey ilaa 5-ta Janbaayo iyadoo toddobaad lagu daray.

“Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5-ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021,” ayaa lagu yiri War-saxaafadedeka Guddiga

Guddiga ayaa qarxiyey xiriir dhex maraymadaxweynaha Galmduug, waxayna war-saxafadeedkooda ku qoreen: “Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.”

Arrintan ayaa u muuqata mid si kulatagal ah loogu beegsaday Madaxweynaha Galmudug oo magaciisa Guddigu shaaciyey, kadib markii uu dhowaan war-saxaafadeed wadajir ah lasoo saaray Madaxweynaha Puntland, kaaso lagu dalbaday in xal loo helo khilaafka ka taagan Doorashada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this