Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga lagu mursan yahay ee doorashooyinka oo isbedel ku sameeyay jadwalka doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashooyinka heer federal ayaa daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargeiyay in isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddiga ayaa la wadaagay  Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.

Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.

Muddadaas waxaa lagu dhammeystiraya hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

PUNTLAND POST

The post Guddiga lagu mursan yahay ee doorashooyinka oo isbedel ku sameeyay jadwalka doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this