Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka oo booqday Gaadiidka booliska + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo xubno ka tirsan Guddiga Amniga Doorashooyinka ayaa kormeer ku tegay xarunta Gaadiidka Booliiska, halkaas oo loo asteeyay in lagu qabto doorashooyinka kuraasta Labada Aqal ee Somaliland iyo Banaadir.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd qiimeyn ay guddiga ku sameynayeen xarunta Gaadiidka Booliska oo la qorsheynayo in lagu qabto doorashada kuraasta labada Gole ee dowladda, gaar ahaan Somaliland iyo Banaadir.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda ugu jirto dardargelinta hannaanka doorashooyinka, maadaama dhawaan uu guddiga soo bandhigay Habraacyada Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

4fc03146-2eb8-4f4e-a3a5-071eaf7952ca.jpg 90e2ecaf-86e8-47d3-9db6-2502edc08cdb.jpg 526cdcb3-4f91-4f47-a982-74b7002ea621.jpg 981406c2-731d-43a6-b797-0de4da3fc151.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this