Deeq A. Posted December 28, 2020 Doony kalluumeeysi oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku degtay badda loo yaqaaan Barents xili ay ku jirtay kaluumeeysi, Toddoba iyo toban qof ayaa la waayay maanta oo Isniin ah, laba kalena waa la soo badbaadiyey sida ay sheegtay wasaaradda xaaladaha degdegga ah. Doon si gaar ah loo leeyahay, oo lagu magacaabo Onega, ayaa ku degtay meel u dhow jasiiradaha Novaya Zemlya, iyadoo mas’uuliyiinta ay ka war heleen shilka saakay aroortii hore, iyakoo bilaabay in ay sameeyaan gurmad lagu badbaadinayayo shaqaalihii lasocday doonta. Maraakiibta wax badbaadiya ayaa baadigoob ugu jiray badbaadadda dadka laakiin kaliya labo qof ayaa laga soo badbaadiyay 19 shaqaale ah oo saarnaa sida ay wasaaraddu sheegtay. Wakiil ka tirsan wasaaradda xaaladaha deg-degga ah ayaa ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo arintaan sida ay warisay wakaalada wararka AFP, ilo wareedyo ogaal ah aya u sheegay Interfax iyo TASS in shaqaalaha la la’yahay laga cabsi qabo inay dhinteen. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites