Sign in to follow this  
Deeq A.

Yididiilooyinka Muuqda !

Recommended Posts

Deeq A.   

Yididiilooyinka Muuqda !

 

FB_IMG_1609084586425-169x300.jpg FB_IMG_1609094189640-300x300.jpg FB_IMG_1609094290950-300x300.jpg

Qoomna Allah ma bedelo ilaa ay iyagu nafahooda bedelaan.

Ummada reer Somaliland waxay maanta haystaan fursad ay ku doortaan dad nadiif ah oo u fadhiista Golayaashooda Barlamaanka iyo Dawladaha hoose.

Awwooda soo saarista Liiska dadka is sharraxaya waxaa door-weyn ku leh Saddexda Hogaamiye ee seddexda Xisbi Qaran ee kala ah Madaxweyne Muuse, Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiye Faysal.

Taariikhdu ma Cafiyi doonto saddexdaas hogaamiye Xisbi haddii ay Ummada hor keenaan dad aan u qalmin inay u sharaxaan Xilalka Golayaasha Qaranka.

Hoggaamiyayaasha Saddexda Xisbi Qaran ayay Ummada reer Somaliland uga fadhiyaan inay soo xulaan oo ay Xisbiyadooda ka sharraxaan dad muddo-kar ah oo Dalka wax u tari kara.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Labada Gudoomiye Xisbi Mucaarid waxaa ku waajib ah inay si adag u shaandheeyaan una baadhaan Xubin kasta oo Murashax ahi inuu yahay qof u qalma xilkaas iyo in kale.

Saddexdaas Hogaamiye ayay maanta Ummadu marti uga tahay inaanay dheg u dhigin kuwa Qabaailka iyo kaabo-qabiiladu ay wataan, balse ay eegaan Shakhsiga ay Murashaxa uga dhigayaan inuu yahay Qof Nadiif ah, Aqoon leh, Ammaano leh oo Alle ka cabsi leh.

Halkan waxaa ka muuqda Saxafi Sare Maxamed Raambo, Garyaqaan Gurruuje iyo Cabdikariim Axmed Mooge oo ah dad muddo-kar ah oo wax u qaban kara Dalkooda iyo Ummadooda hadii aad codkiina ku taageertaan.

Shacbiga reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay reerahooda ku cadaadiyaan inay dad fiican u xushaan, haddii ay dad fiican soo xulan waayaana waxaa loo baahan yahay inaanay Qabiil ku taageerin qof aan u qalmin, laakiin ay si xor ah u taageeraan Murashixiinta Wanaagsan xataa hadii aanuu qabiilkaaga ahayn.

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this