Sign in to follow this  
Deeq A.

Muddo xileedka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku eg

Recommended Posts

Deeq A.   

27-ka December oo maanta ku beegan waa waqtiga sharciyan uu ku eg yahay muddada xil heynta baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya oo wareysi siiyey Shabelle ayaa ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay.

Ugu horreyn Dalxa ayaa shaaciyey inay sii wadi doonaan shaqooyinkooda, illaa inta laga soo dhisayo baarlamaanka cusub ee dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddadii uu shaqeynayey baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya ay u soo qabsoomeen shaqooyin badan oo muhiim u ah dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah, waxaana weli uu muran ka taagan yahay doorashada 2020/2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this